Hennepin_SO

Sahanka sinaanta

Community Data Platforms waxay raadisaa inay taageerto bulsho adadag, caqli u saaxiib ah/caaqil ah, oo badbaado leh iyada oo u maray falanqaynta xog la isku halayn karo. Mid ka mid ah siyaabaha shaqadayada ayaa ah in aan fahamno dareenka bulshada ee ku saabsan arrimaha muhiimka ah anagoo ku weydiineyna xubnaha bulshada inay ka qaybqaataan sahannada. Sahanada waxaa nashqadeeyay xeel-dheerayaal sahamin xirfad u leh oo adeegsada saynis xog adag oo la isku halayn karo si ay u falanqeeyaan natiijooyinka. Natiijooyinka la isku daray (maaha mid gaar ah) ayaa loo diyaariyay dadweynaha. Waxaan kaa codsaneynaa/ku weydiineynaa inaad ka qaybqaadato Sahanka Community Data Platforms! Waxaa loo qorsheeyay in lagu taageero barnaamijyada beeshaada/bulshadaada. Fadlan samee ra'yi ururinta/sahanka maanta oo la wadaag asxaabtaada, saaxiibadaada, iyo qoyskaaga.

Su’aalha Badnaa La Isweydiiyo

Waa 10-daqiiqo, sahan onlaynka/khadka tooska ah oo loogu talagalay in lagu fahmo aragtida ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee bulshada. Sahanka waxaa sameeyay koox ka kooban saynisyahanada xogta iyo saynisyahano bulsheed waxaana kafaala qaadaya Community Data Platforms, shirkad diiradda saareysa bixinta xog la isku halayn karo oo la siinayo hogaamiyayaasha bulshada deegaanka. Sahanku waa hab lagu wadaago aragtida mawduucyada bulshada si badbaado leh, khaas ah, iyo hab qarsoodi ah. Sahanada mustaqbalka ayaa looga hadli doona mawduucyada kale ee ay xiisaynayaan hogaamiyayaasha maxalliga ah.
Qof kasta oo jira 18 sano ama ka weyn waxaan ku dhiirigelineynaa DHAMAAN deegaanayaasha ee qaybaha kala duwan ee nolosha inay buuxiyaan si buuxda loo gaaro khibradaha iyo aragtiyada kala duwan.
Sahankani waa fursad aad ku muujinayso xidhiidhka aad la leedahay bulshadaada. Fikradahaaga waa muhiim. Natiijooyinka sahanka la isku daray iyo falanqaynta ayaa bixin doona aragtiyo ku saabsan sida ay xubnaha bulshadu u dareemayaan arrimaha muhiimka ah, oo ay ku jiraan waxayaalaha si fiican u shaqaynaya iyo meesha u baahann wax laga beddelo.
Bulshadaadu waxay qabtaa baahi degdeg ah oo ah inay fahanto dareenka bulshada sahannaduna waa hab ku haboon oo lagu gaaro daneeyayaal balaaran. Waxaan aaminsanahay in sahannada ay si gaar ah lagama maarmaan u yihiin si loo xaqiijiyo in baahiyaha kooxaha aan la soo bandhigin la iftiimiyo. Sahannadayadu waa kuwo gaar u ah hab-dhaqankooda adag.
YES/HAA. Qarsoodinimada Xogta ayaa muhiim u ah Community Data Platforms waxaanan kugu dhiirigelinaynaa inaad akhriso Sharciga Qarsoonnimada/Sirta ee Xogta. CDP waxay raacdaa hababka ugu wanaagsan ee warshadaha si ay u hubiso qarsoodida iyo sirta jawaabaha sahanka.